Maliishiyooyinka hogaamiye kooxeed maxamed dheere oo dhibaato ku haya dadweynaha ku nool degmada boondheere ee gobalka banaadir.

Adjust font size:
Decrease font

Maxamed Cumar Xabeeb {Mamamed Dheere} oo hada ku magacaaban guddoomiyaha gobalka Banaadir ee dowladda federalka Soomaaliya oo Itoobiya maamusho ayaa dhowrkii habeen ee lasoo dhaafay waxaa uu maliishiyooyinkiisa kusoo fasaxay xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee gobalka Banaadir oo dhibaatooyina ay ka wadaan.

Dhaq dhaqaayada ay wadaan maliishiyooyinka hogaamiye kooxeed Maxamed Dheere ayaa kusoo beegmaya kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo guddoomiyaha Degmada Boondheere ee maamulkiisa oo uu Dheere ku eedeeyay in uu yahay Muqaawamo, waxaana kadib ciidamadii degmada Boodheere lagusoo fasaxay ay bilaabeen dhac in ay dadka rayidka ah u geystaan xiliyada habeenkii ah iyo waliba mararka qaar maalintii.

Dadweynaha dagan degmada Boondheere ayaa hada si weyn ug cabanaya dhibaatooyinka ay kala kulmaan maliishiyooyinka maxamed Dheere oo aan cidna u kala aabayeeleynin,isla markaana laamiyada si aan geed loogu soo gaban shacabak ugu dhaaya.

Waxaa kaloo jirta in maliishiyoyinka maxamed Dheere ay xiliyada habeenkiina galaan guryaha oo ay dhac ka geystaan.

Dadweynaha dhibaatooyinka la gaarsiiyay ayaa ka codsaday cid kasta oo arrintan wax ka qaban karta in ay u kacdo sidii iyaga iyo hantidoodaba loo bad baadin lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *